
Waxaa hoos ku qoran ama aad ka helaysaa dhamaan liiska ama liistada Xarunta/xarumaha ADAMH oo lagu daaweeyo dadka/macaamiisha haysta(Medicaid) kaarka caafimaadka iyo kuwa aan (Medicaid) haysan labadaba.
Waxaad kaloo dooran kartaa meel lagugu daaweeyo oo agagaarkaaga/meelaha kuu dhow dhow ah, adigoo ka fiiranaya qariirada/maabka Xarumaheena. - http://www.adamhfranklin.org/network/map.php
Waxaad eegtaa / fiirisaa bogaan Af-soomaaliga / Spanish
ka ah
Africentric Personal
Development Shop
1409 East Livingston Ave
Columbus, OH 43205
614 -253-4448
Fax: 614 -253-5005
E mail: apds@apdsinc.org
Ururka Africentric Personal Development Shop Waxay si gaara u qabtaan
ka hortaga, daawaynta khamriga iyo mukhaadaraadka kale isticmaalkooda,
iyo waliba wixii laxariira rabshadaha ka hortagooda. La- talin guud ahaan
iyo gaar ahaaneed. Qiimayn iyo tababar ay baxshaan, Africentric, Rites
of Passage training: Barnaamijka daryeelka dadka waayeelka ah; ka warhaynta
dhalinyarada doonaysa inay iskufilaadaan, casharo loogu tala galay reeraha
iskhilaafsan, waajibaadka waalidiinta, horumarinta qoyska, iyo waliba
barnaamij loogu tala galay dadka dhalinyarada ah waqtiga xagagaa (summer-ka.)
|
|
Amethyst, Inc.
527 South High Street
Columbus, Oh 43215
614 -242- 1284 Amethyst
Women's Outreach For Women
1950 North Fourth Street
Columbus, Oh 43215
614 -291 -3639
Ururka Amethyst,Inc Waxay u adeegaan dumarka uu dhaqaalahoodu hooseeyo,
guri la'aanta ah, da'dooduna ay tahay 18 sano iyo wixii ka wayn lagana
yaabo inayna uur lahayn ama ay uur leeyihiinba lakiin caruur haysta ama
caruur mas'uulka ah. Haweenaydu waa iney tahay mid u baahan sidii ay isaga
dayn lahayd khamriga iyo maandooriyayaalka kalaba, ayna isla markaa u
baahan tahay meelay ku noolaato ama guri.
Amethyst waxaa ay baxashaan shaqooyin joogtaa, deegaano jaaliyadda oo
lugu daaweeyo khamriga iyo mukhaadaraadka kaleba. Isuguna jira taageero
iyo deegaan joogto iyo ku meelgaarba ah. Dadaal taxane ah oo lagu daaweeyo
isticmaalida maandooriyayaalka. Waxka qabashada arinkasta oo ku soo foodsaara,
oo ay kamid yihiin, latalin jirdhis/jimicsi, iyo waliba arimaho cilmi
nafsi ah iyo kuwa faraxumayntaba. La talinta qoyska, waajibaadka waalidiinta.
Tilmaan, talo siin xaga mustaqbalkaa iyo arimaha shaqo gayn ama xanaanaynta
caruurta kula nool waalidiintood xarunta Amethyst. Dhamaan adeegyadaan
waxaa kamid ah daryeel joogta ah, laga bilaabo soogiltaanka ilaa inta
lagu jiro marxaladaha lagu gaari lahaa isku filaanshaha.
Xarunta Women's Outreach For Women (Wow) waxaa shaqadeeda saldhig u ah
u adeegidda dumarka ay waxyeelo ka soogaartay isticmaalka mukhaadaraadka,
sida dhaqan xumo iyo wixii kaloo xumaato ah oo ku lug leh ah arimaha isku
filaanshaha. Waxay kaloo sameyaan arimo daawayn ama ka hortag ah iyo fursado
xarunta laga helo oo ay taageero ka mid tahay. Waxa kaloo laga helaa agagaarka
Columbus adeega bukaan socotada ama dadka jiran ee aan isbitaal jiifin,
ayadoo la kaashanayo ururka Wow.
|
|
The Buckeye Ranch
5665 Hoover Road
Grove city, Oh 43123
614 -875 -23 71
614 -875- 6066(TTY)
Xarunta Buckeye Ranch waxay si dhamaystiran u baxshaan xanaanaynta iyo
caafimaadka caruurta, dhalinyarada, iyo qoysaskaba. Adeegyada waxaa ka
mid ah kuwo u dhexeeya dhamaan deegaanka oo dhan iyo kuwo gooni ama qarsoodi
ah, gaar ahaan arimaha daawaynta caruurta lasoo korsaday, iyo daawaynta
xayawaanka guri joogtaaba. Daryeelka bukaan socotadka shaqsi iyo qoys
ahaanba, seexin (maalin dhan iyo galinba) Howlo loogu tala galay dadka
dhagaha aan waxba ka maqlin iyo kuwa dhagaha culusba, iyo waliba si xun
u isticmaalka mukhaadaraadka. Waxaa kaloo adeegayaa dadka gudaha ku jira
iyo kuwa dibada joogabaga, gaar ahaan dhalinyarada dadoodu u dhaxayso
(12 - 18)
|
|
Central Ohio area Agency
On Aging (COAAA)
174 E Long St
Columbus. Oh 43215
614-645-1928
Ururka Central Ohio area Agency On Aging (COAAA) waxay la raadiyaan qofkii
doonaya inuu maxkamad kala soo wareego xilka ama masuuliyada iyo ciddii
danaynaysa dadka dadoodu tahay 18 sano ama dadka waawayn ee caqli laawayaahsa
ah. Barnaamijkani wuxuu u adeegaa dadka aan reer ama ehal lahayn dhaqaalana
haysan ama aan go'aan muhiim ah naftooda ka gaari karin. Cidii doonayso
inay dadkaas wax u qabtana waa loo yeeri, waana la tababari doonaa waxaana
loo dhiibi doonaa qof ay mas'uul ka noqdaan laguna daryeelidoono.
|
|
Children's
Hospital Behavioral Health Service
899 East Broad Street
Columbus, Ohio 43205
Fax: 614 -221- 9523
Xarunta Children's Hospital Behavioral Health Service waxaa loogu talagalay
la talinta qof iyo qoys ahaanba, sida dhibaatooyin, dhaqan xumada, iyo
kuwa niyad ahaantaba. Qiimayn maskixiyan ah iyo la talin cilmi nafsi ah.
Daawaynta dumarka lafaraxumeeyay iyo kuwa ayagoo yar yar faraxumayn gaystayba.
Adeegayada kale waxaa kamid ah hagidda waalidiinta , faragalin iyo ka
hortagga khamriga, iyo mukhaadaraadka , isfuritaanka, qiimayn iyo daawayn
ku lug leh isku dhexyaacida ama isla hadalka ama garasho la'aanta iyo
waliba arimo lagu xanaaneeyo caruurta dhibaatada ama khatarta qarka u
saaran.
|
|
Choices Eliminating
Domestic violence
P O Box 06157
Columbus, Oh 43206
614 -224-7200
Fax: 614 -258 -6188
Crisis Hotline: 224 -4663 (V _TTY)
Xarunta Choices Eliminating Domestic violence waxaa laga helaa caawimaad
24 saacadood ah: Guryo ama deegaan isugu jira maarxaladaha deg-dega ah,
iyo kuwo ku meelgaar ah loona diyaar shay dadka ay soo food saarta khilaafaadka
qoyska iyo kuwo caruurtoodu ayna qaangaarka ahaynba. Talosiin iyo taageero
qof iyo qoys ahaanba, looguna tala galay dadka ay soo foodsaartay dhibaatada
qoyska waxaana adeegaas laga helaa meelo badan. Aqoon cilmiyeed loo diyaarshay
jaaliyadda meelaha ay ka shaqeeyaaan , kuna lug leh dhibaatooyinka qoyska.
Caawimaado xaga sharciga iyo maxkamaddaha ah. Taageero qoys ahaaneed iyo
howlo kale oo loo qorsheeyay dumarka dhibaataysan ama dhiban.
|
|
Columbus Area, Inc
1515 East Broad Street
Columbus, OH 4325
614 - 242 - 0711
614 -2354 (TTY)
Fax: 614 -252 - 6181
Email: mis@columbu-area.com
Howlaha la-talinta kala soo xariir: 1221 E. Broad St 614 251 6562
Adeegyada dadka waayeelka ah: 1221 E. Broad St 614 251 6562
Adeegyadda bukaan soctada, khamriga iyoMadooriayaasha: 1221 E. Broad St
614 251 6562. Pathway Clubhouse: 1221 E. Broad St 614 251 6562
Xarunta Dhaqamada kaladuwan ee Eastside (Mecca), 813 Bryden Road, 614
-372 -6000
Adeegyada xarunta Columbus Area, Inc ee loogu tala galay deegaamadda
jaaliyada, waxay isugu jiraan u shaqaynta, dadka waayeelka ah, kuwa xooga
leh, shaqsiyaadka qaba cudurada maskaxda, dhalinyarada,iyo reera-hoodaba.
Howlahaan waxaa kamid ah maamul dhaqameed, u shaqaynta bukaan socodka,
iyo daawayn joogta ah dhamaan jaaliyada oo dhan. La talin, dabiibid qoys
ahaaneed, daaawayn xaga cilmi nafsiga ah; Adeeg ka hortaga dhibaatooyinka
oo dhalinta loogu tala galay, baaritaan ama cabiraad la baaro dadka qaangaarka
ah looguna tago meelaha ay ku noolyihiin lugna ku leh arimaha Khamriga,
Maandooryayaahsa, cudurada maskaxda, iyo daawaynta tubaakada, iyo waliba
rug cafimaad oo qabata arimahaan oo kale
|
Columbus Public Health
240 Parsons Avenue
Columbus, Oh 43215
641 -645 - 7306
Fax: 614 - 645 - 7633 TDD, 645 -7041
Columbus Public Health waa xarun loogu
tala galay ka hortag, faragalin iyo adeegyada daawaynta dadka banaanka ka
jooga xarumaha caafimaadka oo xanuunsan. Barnaamij waxbarasho ama aqooned
oo loogu tala galay dadka lagu helay ayagoo baabuur wada isla markaa khamraysan
ama cabsan. Daawayn gaar u ah raga African American-ka ah iyo kuwa mukhaadaraadka
isticmaalaba.Taageero lasiinayo caruurta ay waalidiintood isticmaalaan mukhaadaraadka,
iyo howlo tababar iyo ka hortag lagu yaraynaya qatarta soo foodsaari karta
caruurtaas. |
|
Columbus Urban League
788 Mt. Vernon Avenue
Columbus, Ohio 43203
641 -257 -6327
Ururka Columbus Urban league waxay dhiirigaliyaan inay barnaamijkaan
ka qayb qaataan dadka African American-ka ah iyo mawaadiniinta kale oo
dhaqaalahoodu hooseeyo oo bulshada ka mid ah. Xurmaynta iyo daganaashaha
qoyska ayaa ah muhiimada koowaad ee ururkaan. Ururkaani wuxuu xooga saaraa
sugitaanka dhaqaale iyo isku filaansha dadka African American-ka ah oo
loogu tala galay howlahaan iyo sidoo kale dadyowga kale ee laga dhaqaalo
abadan yahay, ayagoo adeegsanaya waxbarasho, tababar, iyo shaqo gayn,
iyo waliba caafimaadka qoyska. The Columbus Urban League howla-hooda badbaado
waxaa loogu tala galay inay abaaraan qodobo balaaran oo ka hortag ah,
inkastoo dadka looga baahan yahay holwo guud iyo xirfad gaar ahaaneed,
isla markaasa lagu caawiyo xirfado lagula dagaalamo mukhaadaraadka oo
qaadanaya mudo 9 todobaad ah, Taasoo, looga hadli doono ama la dulmari
dooni arimo xasaasi ah, kuwaas oo ay kamid yihiin la dagaaalanka mukhaadaradka
iyo akhbaar si toos ah uga hadlaysa/tilmaamaysa arimaha bulshada. Iyo
ka hortaga maadooriyayaasha iyo tubaakada. Holwlaha xadadida nafta waxaa
ardada lagu barraa kalsooni iyo isku filaansho qof ahaaneed, xadaynta,
kalsoonida, xirfado guud ahaan bulshada saameeya. Waxay kaloo hormrisaa
waxtarnimada shaqsiga siyaalo kala duwan, xiriirka dadwaynaha , ka soo
kabashada dhibaatooyinka, barashada dad ama saaxiibo cusub, iyo samaynta
xiriir wanaagsan. Barnaamijkan badbaadintu wuxuu kaloo u adeegaa ardayda
dhigata dusiyada sare ee, Beery, South-moor, iyo dugsiyada dhexe ee Barrett,
Monroe, Champion, iyo waliba Dugsiga dhexe ee Africentric.
|
|
Community for New Direction
2096 West Mount Street
Columbus, Ohio 43223
614 -272-1464
Community for New Direction waa dariiqad cusub oo jaaliyada siisa howlo
ka hortaga ah, looguna talagalay ama loo khaasyeelay dhalinta ay dadoodu
u dhaxayso 8 -17 sano(qaas ahaan raga madow.) Adeegyadaana waxa ay issugu
jiraan caawimaad waxbarasho, ka hortaga dhibaatooyinka, tageer deg deg
ah, waalidnoqoshada ama xanaanada caruurta, ciyaaro ama jimicsi, ka hortaga
qala-laasaha , xalinta mashaakilaadka, waxbarida waalidiinta, safaro dhaqan
iy aqoon kororsi ah, tabaro kalsooni galin ah, tababar shaqo, iyo tababaro
ku saabsan dhaqamada kalduwan.
|
|
Community Housing Network
957 E. Broad Street
Columbus, Ohio 43205
614 -251 -1700
Fax: 614 -251 - 1709
Ururka Community Housing Network ee horumarinta guryaha oo aan ahayn
mid ganacsi, ama faa'iido doon ah, hantiilyaal iyo maamulayaal diyaar
u ah inay si gaar u siiyaaan ama bixiyaana arimo quseeya sida loo muumulo
hantida. Guryahoodana ka kiraynaya dadka curyaanka ah ama guroyo la'aanta
ah lacagahoodana qaar ku bixnaya.
|
|
Comp Drug
700 Bryden Road, 3rd floor
Columbus, Ohio 43215
614 -225 -4560
Hope Hotline, 24 - hour Drug Abuse Crisis line: 228-4673
Xarunta Comp Drug waxaa ay baxshaan adeegyo looga hortagay khamriga
iyo maandooriyayaasha six un u istacmaalkooda, faragalin ama dhaxgalid
dhaqso ah, daawayn, iyo arimo kale oo lagu gacan qabto dadka la xiro ama
xabsi lageeyo.
Furloughees and Parolees, waxay ku howlan yihiin adeegyada ay kamid yihiin
talosiin qofkii jiran ee isbitaal aan ku jirin ama bukaan socod ah, waano
qof iyo qoys ahaanba, talooyin ka imaanaya urudada NA and AA-ba. Waxaa
ka loo jira arimo talo bixin iyo baaritaanka jirooyinka oo ay qabanayaan
dad ama kooxo, howlo kale iyo waliba faragalinta iyo ka hortaga dhibaatooyinka
dhicana ganacsiga, caawimaado xaga sharcidyada, maandooriyayaasha, waxbarashada
iyo hor istaagida dhibaatooyinka bulshada. Waxaa kaloo diyaar kuu ah warbixin
iyo barnaamijyo waxbarasho, kulamo tababar ah, tabaro ku saabsan arimaha
dadka waayeelaka ah, iyo adeegyo kale oo khaas ah, looguna tala galay
xalinta mashaakilaadka khamriga iyo maadooriyayaasha kale, iyo waliba
ka soo kabashada danbiyada.
|
|
Concord
Counseling Services
774 Park Meadow Drive
Westerville, Oh 43081
614 -882 -9338
Fax: 614 -882 -3401
Email: info@concordcounsling.org
Xarumaha Concord Counseling Services waa deegaano caafimaadka maskaxda
oo loogu tala galay shaqsiyaadka is qaba qof, qoys, iyo koox ahaanba meelkasta
ha ka yimaadeen ama cidaydoonaan ha ahaadeene, sida qaangaarka aan isbitaal
ku jirin ee isticmaala mukhaadaraadka, wacyi galinta bulshada, dadka jaaliyada,
iyo ganacsigaba. Barnaamijyo caafimaad oo loo qorsdheey dadka shaqeeya.
Adeegyo caafimaad oo qaas ama gooni u ha dadka waayeelka ah, caruurta,
dhalinyarada, iyo cid kasta oo qabta xanuunka ama cudurka maskaxda ee
halista ah. Howlo ama adeegyo looga hortagayo HIV-ga. Barnaaamij lagu
xakamaynayo uuraysiga dhalinyarada, iyo waano ay bixiso TANF.
|
|
Center of Vocational Alternatives
(COVA)
3770 North high Street
Coluumbus, Ohio 43201
614 -294 -7443
Fax: 614 -294 -7443
Ururka Center of Vocational Alternatives (COVA) waxay caawiyaan ama taageeraan
dadka ay haysato xanibaad ama mashaakil la xiirra shaqada, gaar ahaan
dadka qaba cudurka madaxa ama miskaxda sidii ay u dooran lahaayeen amaba
u xagsan lahaayeen shaqooyinka micnaha leh ee bulshada ama jaaliyada dhexdeeda
ah. Waxay kaloo caawiyaan ama gacan-siiyaan dadka cayrta ka soo tagaya
ee shaqo doonka ah, doonayana inay isku filaadaaan. Howlahaana waxaa laga
helaa jaaliyada dhexdeeda, waxayna isugu jiraan, diyaagaroobid, sookabasho,
latalin xaga mustaqbalka ah, tababar shaqo, caawimaaad shaqo gayneed,
lasocosho/kawarhayn, taageero joogtaa ah, latalin iyo tashiilashada/mmrayta
hanti daaada. Cova waxay kaloo kugu xiraysaa laanta adeegyada sookabashada
ee Ohio iyo waliba adeegyada kaladuwan ee Cova.
|
|
Directions for Youth and
Families
1515 Indianola Avenue
Columbus, Ohio 43201
614 -294 -2661
Fax: 614 -294-3247
Short Stop Youth Center, 1066 North High Street, 614 -299 -5541
Xarunta Directions for Youth and Families waxay la taliyaan dhalinyarada
bukaank socodka ah dadooduna u dhaxayso 7 -18 sano iyo qoysaskaba, dhinacyada
isticmaalka maandooriyayaasha, cudurada maskaxda, dib udhaca,xakamaynta
carada badan iyo waallidnimada gaar ahaan dadka da-yartaa. Adeegyo qaas
ah oo loo qorsheeyay dadka dhibaato ka soo gaartay farxumayn, iyo caruurta
soo marta dhibaatootyinka badan amaba ay dhinteen dad ay jeclaayeen ama
waalidkood, barnaamijyadu waxay kaloo ka hortagaan, uuraysiga gabdhaha
dhalinyarada ah, dib u dhaca iyo isticmaalka mukhaadaraaadka, waxayna
dhiirigaliyaan dhaqamada dadka kala duwan. Xarunta caruurta ee (Short
Stop Center) waxay baxshaan adeegyo ka hortag mukhaadaraadk iyo howlo
kale oo loogu tala galay caruurta dadoodu u dhaxayso 7 -19 sano.
|
|
Dublin
Counseling Center
6077 Frantz Road.
Suite 103
Dublin, Ohio 43017
614 -889 -5722
Xarunta Dublin Counseling Center waxaa laga helaa talo ama waano qof,
qoys, labo isqabta,ama koox ahaaneed daday-doonaan hajireene, waxa kaloo
ay la taliyaan caruurta ama dhalinyarada aan qaangaarka ahayn. Barnaamij
loogu tala galay shaqsiyaadka isticmaala kiimikada ama ay haysato dhibaato
isku filaansho la'aaneed. Sida, baabuurta ama daraawalnimada iyo tijaabo
aqooneed. Adeegyo loogu tala galay dadka waayeelka ah iyo reera-hooda,
iyo dadka ayaga xanaaneeyaba, Howlo gooni ah oo ay kamid yihiin xakamaynta
carada iyo isdhexgalaka qoysaska, kooxo dumar ah oo u diyaarsan inay taageeran
dumarka laga dhintay, xanaano iyo howlo kale oo ku xiran ina la soo codsado.
Barnaamiyada wada shaqayntu waxay baxshaan adeegyo xaga dumarka uurka
leh, kahortaga HIV -ga, adeegyada bukaanka dibada looguna talagalay dadka
qaata TANF iyo adeegyada CSB-da ahna dad waayeel ee ay hayaan cudurada
maskaxda iyo dhibaatooyinka AOD.
|
|
Educational Council
1929 Kenny Road
Columbus,Ohio 43210
614 -292 -7744
Fax 614-292-7775
Email: forbes@edcouncil.org
Ururka Educational Council waxay u adeeggaan shaqaalaha, aradayda, iyo
qoysaska dagan ama ay ilamahoodu aadaan Columbus Public Schools. Adeegyada
qaarkoodna waxaa laga yaaba inay diyaar u yihiin iskuulo gooni ah u dhamaan
bulshada. (SDFSC) waxay ku baaqayaan howlo looga hortagayo dhibaatooyinka
, xasaradaha iyo isticmaalka mukhaadaraadka, tubaakada, iyo noocyada kale
ee maandooryaahsa ardayda dhexdeeda, ururo aqooneed, ka hortagga dhibaatada
ardayda, caawimaada qoysaska ioyo faragalin xaga sharciyada ah. Ilaha
dhaqaale ee xaruntu waxay wadaan manaahij, buugaag, ciyaaro iyo fiidiyoowyo
ka hadlaya dhabaatooyinka iyo ka hortagida maandooryayaahs.
|
|
FirstLink
195 North Grant Avenue
Columbus, Ohio 43215
614 -221-6766.614 -341-2271 (TTY)
24 -HR. Information/Referral; 614 -221-2255
FoodLink, 614 -341-2282
Volunteer Referrals, 614 -341-2277
Xarunta FirstLink waxay 24 - saacadood aqbaar ama warbixin, tilmaan iyo
u adeega jaaliyadoo dhan, adeegyada qaar loogu tala galay dhamaan dadka
ku nool Franklin County oo dhan, Taleefoon laguugu sheegayo fursadaha
iskaa wax u qabsada ah ee jaaliyada dhexdeeda ka jira. Caawimaad farsamo
iyo tababar barnaamijyo iskaa wax u qabso ah, arimaha iskaa wax u qabsada
oo loogu tala galay dhalinyarada. Sidoo kale akhbaaro ku saabsan sidii
loo soo xero galin lahaa dad dhalinyaro oo iskaa wax u qabso ku shaqeeya
markii ay jiraan fursadaha fasaxa ama dhacdooyin gooni ah ama qaas ah.
Dadka howlgabka ah ama waayeelka ah ee raba inay ku shaqeeyaan iska wax
u qabso . waxa kaloo la helayaa "hagge" ama tilmaame sana-daale
ah ama liiska dukaamada (malls.)
|
|
House of Hope for Alcoholics
825 Dennison Avenue
Columbus.Ohio 43215
Adult Residential Program 825 Dennison Avenue, 614 -291-4691
Outpatient Program, 771 Harrisburg Pike, 614 -276-4840
Stevens House for Adolescents,1320Parson Avenue,614 -443-0720
Xarunta House of Hope for Alcoholics waxaa laga helaa barnaamijka deegaanka
ee dadka qaangaarka ah waxaa lagaa helaa daawayn joogtaa, ee dadka ku
jira xarunta gaar ahaan raga khamrada caba, waxaa kaloo ay baxshaan howlo
ay kamidyhiin, latalin qof, koox, iyo qoys ahaanba, akhbaaro, waxbarshada,
shaqo, tarbiyayn ah, adeegyo lagu tilmaamo, iyo xakmayta carada/xanaanaqba.
Barnaamijka adeegga bukaanka dibada jira waxay siiyaan qiimayn, iyo adeegyo
tilmaamid, xanaano badan oo loogu tala galay dadka guduha jooga, iyo bukaan
dibada jiraba (IOP) oo ah raga iyo dumarka khamriga caba qof iyo qoys
ahaanba. Deegaanka Steven waa meel shaqsiyaadaka siisaa dagaan, daawayn,
jioogta ah, latalin, tababar, jimicsi, wararka GED -da Ismaamulida, iyo
xanaano u gaar ah dhalinyarada raga ah ee dadoodu u dhaxayso 13-18 sano
ee khamrada caba.
|
|
Huckleberry House
1421 Hamlet Street
Columbus, Ohio 43201
614 -294-8097
Crisis: 614 -294 -5553
Xarunta Huckleberry House ee xalinta dhibaatooyinka ama mashaakilaadka
24 - saac kuna howlan arimaha dhalinyarada guryahooda ka soo cararay iyo
waliba kuwa guri la'aanta ah. Waxaa kaloo xaruntu baxshaan adeegyo ay
ka mid yihiin, hoy deg deg xanaanada, xalinta dhibaatada qoyska , barnaamij
iskaa wax u qabso ah iyo kuwo lagu gaaro isku filaansho.
|
|
Maryhaven
1791 Alum Creek Drive
Columbus,Ohio 43207
61 4 -445-8131
Fax: 614 -445-7808
Maryhaven waa xarumo caafimaad oo loogu tala galay dadka khamriga ama
noocyada kale ee mukhaadaradka isticmaala , waxyna diyaar ula yihiin xanaanayn
caafimaad ama khamriga oo jirkaa laga saaro 3-5 maalmood qofkii jiran,
taasoo ay kamid tahay kahmriga oo jirkaaga laga saaro hadii aad tahay
naag uur leh lana siiyo hoy joogtaa lana helo xiliyo kala duwan, dajinta
dumarka 3-6 bilood. Deegaamada dhalinyarada joogitaan aan xadadnayn iyo
xanaanaynta caruurta ay dadoodu u dhaxayso 13-18 sano Marryheven: Exploring
Sober Alternative (MESA) 72 - saacadood oo go doomin ah iyo barnaamij
dheeraad ah oo loogu tala galay dadka lagu helo danbiyo OMVI Offenses
Marryheven. Siyaalo kale oo loo ladagaalamo kookaynta (Cocaine) (MACC)
oo 3 maalmood barnaamij ah looguna tala galay dadka sharciga jabiyay,
sabatuna tahay inay isticmaaleen maandooriyaha kookayn (Cocaine) Adeegyo
loo qorheyay bukaanka dibada jira iyo kuwo xanaano loono qorhseeyey dadka
qaangaarka ah, howlo bukaanka dibada e dhalaanka iyo qoysaskoodaba. Xarunata
dadwaynaha oo ku howlan dadka guryo la'aanta ah rag iyo dumarba. Barnaamijkaan
jaliyada oo baxsha adeegyo , bukaanka dibada ah, xafiisyada ku yaala Whitehall,
Hilltop, iyo Eastside-kaba.
|
|
Mental Health Association
of Franklin County, Inc.
538 East Town Street, Suite D
Columbus,Ohio 43215
614 -221- 1441
Fax: 614 -221 -1491
Eamil: mhafcoh@aol.com
Mental Health Association of Franklin County, Inc. Waa urur bixiya howlo
ay kamid yihiin tilmaan iyo aqbaarta cudurada ama xanuunka maskadaxda,
u adeegdid iyo wacyi galinta jaaliyada, qoraalo ka hadlayaya xanuunada
maskaxda iyo waliba adeegyada soo kabshadaba. Ombudsman services for entire
ADAMH system, waxay siiyaan macaamisha iyo qoysaskaba mucaawino, aqbaar,
adeeg ku saabsan cabashooyinka ama arimaha quseeya xanuunada maskaxda,
khamriga iyo maandooriyaalkaba. Cajalado fiidoyow ah oo dhaawaan la soo
- saaray, kana hadlaya ka hortag iyo talo bixinba. Xirriirinta qoyska
ama taageera qoysaska iyo xafidaad qofka ama shaqisiga qaba cudurada maskaxda.
Baaritaan iyo dad si kalsooni ah kuula shaqeeya armahaaga aan cidka le
u bandhigayn, iyo kuwo kale oo kaa hadla cudurada, walaaca, (depression.)
Waxaa kaloo la helayaa qoraalo ku saabsan cudurada ama xanuunka madax/maskaxda
oo lagu heli karo soo wictaan la soo waco xarumaha caafimaadka. Ka hortag
iyo barnaamijyo horumarineed oo ay ka mid yihiin lahadlid/la talin waalindiinta
iyo qoraal wax ku ool u ah waalidiinta ay ku cusub tahay caruur lahaanshuhu.
Maamul ku saabsan walaaaca, barnaamij aqooneed oo ku saabsan wal walka
iyo walaaca, waxbarasho joogtaa iyo tabarucaad ay baxshaan dad aqoon uleh,
iyo waliba howlo cilmi kororsi dhamaan jaaliyada. ADAMH waxay maamulaan
waxabarsho lacag la'aan ah oo loogu tala-galay dhamaan macaamiisha iyo
qoysaskoodaba.
|
|
NAMI Franklin County
4100 North High Street, Suit 103
614 -262 -0114
Ururka NAMI Franklin County waxay baxshaan barnaamijyo aqooneed oo ku
lug leh xanuunka/cudurada madaxa oo ay ka midyihiin 12- todabaad oo wax
labarayo qoysaska, 8-todobaad oo loogu adeeggayo qoysaska/reeraha ay u
joogaan/leh caruuryar yar, iyo dhalinyaradaba, iyo 1-saac oo loogu tala
galay macalimiisha iyo shaqsiyaadka ka shaqeeya iskoolada. NAMI waxaa
kaloo ay bixisaa ama taageero siisaa maacaamisha iyo qoysaska, matalaad
xaga cansuuraha/caymiska iyo howlo ku haboon dadka qaba cudurada madaxa
ama miskaxda ah, turjumaadna waa diyaar/waa lahelayaa.
|
|
Native American Indian Center of Central Ohio
67 East Innis
P.O Box 07705
Columbus, Ohio 43203
614 -443 -6120
Xarunta Native American Indian Council of Central Ohio
waxay siiyaan barnaamijyo/howlo xasaasi ah dadka Native American-ka ah,
iyo waliba adeegyo looga hortago khamriga iyo maandooryayaashab.
|
|
Neighborhood House
1000 Atechson Street
Columbus, Ohio 43203
614 -252 -4941
Ururka Outpatient Counseling Programs for chemical Use/abuse waxay talo
siiyaan shaqsiyaad, koooxo iyo qoysas kuwaas oo isticmaala, ama uu jirkoodu
laqabsaday khamriga iyo maandooriyayaasha kaleba.Xanaano gooni u ah Dumarka
mukhaadaraadka ku tiirsan, howlo lagu dhimayo isticmaalka xun ama caadaysiga
maandooriyayaasha/mukhaadraadka looguna tala galay dadka African American,
Hispanic, Asian, oo dhaqaalahooduna hooseeyo/yaryahay, iyo dadyoowga kale
ee laga badanyahay (Minorities) Adeegyo looga hortagayo HIV-da ama AIDS-ka,
howlo kooxeed oo lagu raadinayo sababta/aasaaska laguna dhimayo dhacdoyinka
dhaqan xumada ee jaaliyada dhaexdeeda.
|
|
NetCare Access
24-Hour Emergency Services, 614 -276 CARE (2273)
1991 South Central Avenue
Columbus, Ohio 4332
614 -274 -9500 (V/TTY)
741 East Board Street
Forenisc psychiatric Services, 3081 Sullivant Avenue, 614 -274
-7066
Net care Access: Waa 24 saacadood ah oo aad ka heli karto adeegyo xaga
cuduradda madaxa, dhibaatooyinka laxariira isticmaalka maandooriyaasha.
Baaritaan xasaasi ah oo loo qorsheeyay caruurta, dhalinyarada, qaangaarka,
iy dadka waayeelka ahba. Taleefoonka oo si deg-deg ah looga jawaabo, hadii
xafiisku furanyahay iyo hadii kalaba. Baaritaan maandoorye/mukhaaadaraadka
oo loogu tala galay cidkasta oo danaynaysa, hadii aad doonayso meelaha
laga helo nala soo xiiriir.Waxqabad/adeega ay kamidyihiin nasinta dadka
ay dhibaato ka soo gaarta cudurada maskaxda/madaxa, iyo kuwa khamrigaba,Probate
pre-screening: waxay sameeyaan baaritaan cudurada madaxa/maskaxdaah, iyo
fududaynta cidii doonaysa isbitaal, ayagoo kaashanaya Probate court ee
Franklin County.Cudurada madaxa iyo AOD-da baaritaankooda/tijaabadooda
waxaa laga helaa maxkamadaha Common Pleas, Municipal, iyo Juvenile-ka.
Xarunta adeegyada caruurta ee Franklin County.
Critical Incident Stress Management: Waxaa ay ku baaqaan waacimaad lagu
yaraynayo ama lagu xakamaynayo, walaaca, iyo wxii keenay dhibaatooyin
hore.
|
|
North Central Mental Health Sevices
1301 North High Street
Columbus, Ohio 43201
614 -299 -6600 (V/TTY)
Gahanna - 338 Granville Street, 614-475 -7090
Reynoldsburge -6435 East Board Street,614 -856 -9610
Family Focus 40 Spruce Street, 614 -227 -6865
Elder Focus-50 West Fifty Avenue, 614- 421-3104
The Connection, 614 -421 -3180
24-Hour Suicide Pervention Hotline, 614 221 -5445
Teen Hotmail , 614 -294 -3300
Senoir Hotmail, 614 294 3309
North Central Mental Health Sevices waa xarun si xasaasi ah ugu adeegaysa
soo kabashada caruurta, dhalinta aan qaangaarka ahayn, kuwo qaangaarka
ah, iyo dadka waayeelka ahba .Waxaa xaruntaani si gooni ah u sameyaan
inay latalyiyaan bukaanka banana joogtaa, arimaha khamriga iyo mukhaadaraadka
daawantooda ku lug leh. Barnaamij lagau taageerayo shaqsiyaadka in mudo
ah qabay cdurka maskaxada.madaxa ee jaaliyada ka mid ah, talo siin/latalin
ku lug leh ama la xariirta isticmaalka ama ku tiirsanaanta maandooriyayaasha,
iyo waxyaalo kale oo kaalmooyin ah, sida xanaano, adeegyo dib u dajin
iyo daawaynba.
Howlo gaar ah oo ay kamid yihiin:, ka hortaga dacdaraynta dadka waayeelka,
xanaanooyin deg-deg ah, Soaring Sober, Xarumo soo kabasho, Xiriirinta
waayeelka. Barnaamij loogu tala galay dadka qaangaarka ah iyo waliba TCTT
oo ayaugana ku lug le dhalinyarada. Waxaa kaloo ay xaruntaani leedahay
sadax qad oo taleefoon ah oo ku howl leh ka hortaga arimaha isdilitaanka/naf
iska qaadidada.
|
|
North Community Counseling Centers
4897 Karl Road
Columbus, Ohio 43229
614-846-2588
1495 Morse Road, 614-267-7003
3025 West Broad Street, 614-279-7690
6565 Worthington-Galena Road A208
Worthington, Ohio
614-431-6310
Ururka North Community Counseling Centers adeegyada bukaanka socodka ee
ay baxshaan waxaa kamid ah howlo gooni u ah dadka waayelka,iyo dhalinyarada
mukhaadaraadka isticmaala. Latalinta dadka waayeelkaa, iy adeegyo kale
oo lala kaashanayo xarunta ama deegaanka House Of Hope For Alcoholics,
ou waliba ururo taageero oo kale. Waxaa kaloo leeyihiin barnaamijyo aya
kamid yihiin aqoon cilmiyeed, tababaro, maamulid,iyo soo booqasho. Tarabiyaynta
qoyska, cilmi nafsi qof iyo qoys ahaaneed, iyo daawayn. Howlo loogu tala
galay shaqsiyaadka ay haysato cunto xumo, ama ka soo kabanaya isticmaalka
mukhaadaraadka. Adeegyo kale oo ay ka mid yihiin ka hortaga dhibaatooyinka
iyo taageeraba. Waxaa kaloo jira arimo kale oo loo qorsheeyey, caruurta,
waayeelka, iyo dhalinyaradaba.
|
|
Northwest
Counseling Services
1560 Fishinger Road
Columbus, Ohio 43221
614 -457-7876
Email: nwestc@nwestcs.org
Xarunta Northwest Counseling Services waxay baxshaan adeegyo la talineed
oo loo qorsheeyaya caruurta, dhalinyarada, qoysaska, dadka qaangaarka
ah, iyo waayeelkaba. Howlo looga hortagayo khamriga iyo daawayn, tijaabo,
iyo baaritaan cilmi nafsi ah. Arimo iskoolga u gooni ah, oo looga hortagayo
laguna fara galinayo ardayda dugsiyada hoose , dhexe, iyo saraba. Wacyi
galin iyo tababar walidiinta. La caawiyo reeraha/qoysaska haysta caruur
dadoodu o dhaxayso 0-3 sano. Talo nixin iyo tababar aysiiyaan dad aqoon
u leh caruurta aadka ay dadoodu u yartahay. Adeeg guud iyo wacyi galinta
jaaliyada. Barnaamij xasaasi ah oo loo qorsheeyaya dadka waayeelka ah,
kasoo bixinaya howlo shaqo oola siinayo dadka bukaanka dibada jooga, talo
bixin, caawimaad, iyo waliba dad aqoon u leh dhibaatooyinka oo dhan. Sida
dadka wadna xanuunka ka soo kabanaya, iyo qoysaskooda, dadka ay xaaskoodii
dhinteen/geeriyoodeen. Xaanaanooyin gooni ah, howlo talo bixineed, iyo
tababarba. Taageero iyo adeeg loogu tala galay dadka waayeelka ah ee qamriga
caba ama qaba cudurada maskaxda, Caawimaad dadka shaqeeya lasiiyo. Wax
bixin, iyo adeegyo tilmaameedba.
|
|
Partners in Active Living
162 West 5th Avenue
Columbus, Ohio 43201
614 -298-0974
Partners in Active Living waa xarun ku howlan cudurada madaxa oo ay maamulaan,
maacaamiisha, oo aan faa'iido laga raadin, shaqaalayn dadka qaangaarka
ah kuwaas oo kamid ah, maacaamisha laga daaweeyo cudurada madaxa, waxaana
laga helaa adeegyo iyo taageero loogu talagay macaamiisha kale ee cudurada
madax ama maskaxda ayugana qaba. Adeegyo kale oo loo qorsheeyay bulshada,
oo ay ka midyihiin, isdhexgalka, wada sheekaysiga, waxay sidaas oo kale
ugu baaqaan macaamiisha, dadka qaangaarka ah kuwaas oo qaba cudurada madaxa/maskaxda,
si loola dagaalamo kali haansha, godoonka, loona dhiiri galiyo howlaha
soo kabadka. Adeegga bukaan socodka, iyo wacyi galinta jaaliyada, ganacsiga,
si loo yareeyo kali nimada, aydoo la adeegsanayo farsamada is dhexgalka
dadka. Waxaana kaloo la helaa aqoon cilmiyeed ku saabsan cudurada miskaxda/madaxa
ayna ka midtahay BRIDGES, 15 todobaad galaasyo ama casharo ah oo ay dhigayaan
dadka macaamisha ah, ayna siinayaan kuwa kale ee qaba cudurada maskaxda.
Waxaad kaloo helaysaa dad diyaarku ah xafiiska oo kugu taageraya turjumaada.
|
|
Prevention Council
of Central Ohio
400 East Mound Street
Suite 100
Columbus, Ohio 43215
614 -220-8572
Ururka Prevention Council of Central Ohio waxaa ay ku dhiirgaliyaan jaaliyada
dhexdeeda, wanaag, iyo caaafimaad qab, ayagoo adeegsanaya howlaha ay ka
midyihiin dhimitaanka qamriga, tubaakada, iyo noocyada kale ee maandooriyayaahsa
isticmaalkooda (ATOD) waxayna isticmaaalaan howlo baaritaan, ka hortag,
maalgalin, iyo adeegyaba. Waxayna Franklin County u shaqaynayen laga soo
bilaabo 1958-dii. Adeegyadoodana waxaa kamid ah, barnaamijyo ka hortag
ah, oo loo qorsheeyey dhalinyarada dhigata dugsiga sare, iyo kan dhaxaba.
Howlo ka hortag oo gooni u ah, dhalinta meeelaha qaarkood ku nool. Ka
hortag iyoxarumo caawimaada caruurta, sida (CHIP-SAIL) iyo Hilltop Youth
and Family Programs.
Howlo lagu ilaaliyo ardayda dugsiyada dhexe. Ilaalinta dadka isku dada
ee ay baxshaan hogaamiyayaasha,iyo dadka qaan qaaraka ah ee xarunta ama
ururkaba ee Teen Institute. Qodbooyin ama hadalo iyo arimo wacyi galin
oo loogu tala galay dadka ama kooxaha ku nool agagaarka Bartamaha Central
Ohio ayna dhiibi doonan afhayeenada shaqaalaha xarunta.
|
|
Project Linden
394 South Washington Avenue
614 -221-9384
fax: 614 -221-9385
Xarunta Project Linden waxay jaaliyada u qabtaan adeegyo xasaasi oo loogu
shaqeeyo laguna daaweeyo dadka waawayn, u tilmaamid xarumaha kale ee daawaynta.
Adeegyo ka hortag ah oo loogu tala galy ilmaha yar yar, iyo dadka waawaynba.
Barnaamijka xaruntani waxaa ay si gooni ah ugu shaqeysaa arimaha dumarka,
raga horay wax u soo faraxumeyay, iyo shaqisyaadka kale e gooni u socodkaa,
dhalaanka khatarta ku sugan, shaqsiyaadka guri la'aanta ah, iyo dadka
aan shaqaynba.
|
|
Rosemont Center
2440 Dawnlight Avenue
Columbus, Ohio 43211
614 -471-2626
Fax: 614 -478-3234
Xarunta Rosemont Center waa meel daawaysa dadka yar yar iyo waalidiintoodaba.
Kuwaas oo ay soo foodsaartay dhibaatooyinku. Waxayna u diraar sanahay
inaan hanano koritaankooda. Waxaana adeegsanaa arimo ay kamid yihiin,
daawaynata cudurada maskaxda, iyo daawaynta shaqsiyaadkaba, si wanaagsan
ayaana laguugu adeegidoonaa.
- Barnaamijka taageerada jaaliyadu waxaa ay baxshaan 24 saac tobada
maalmoodba maamulayaal diyaar ah, si ay u caawiyaan qofka dhalinta yar
ee dhibaataysan ama xamaasadaysan, si loo gaar siiyo heer isku filaansho,
aydoo laxoojinayo awooda iyo tayada qofkaba.
- Xananaynta mashaakilaadka ee xarunta baaritaanka, waxaa ay si ku
meel gaaar ah u baxshaan guryo nabadgalyo ah gabdhaha iyo wiilahsa dadoodu
u dhaxayso 6 -11 iyo 12 -18 sano.
- Day Treatmen/Partial Hospitalization: waa dugsi gooni ah oo ay howlihiisa
kamid tahay daawaynta wiilahs iyo gabdhaha ay dadoodu u dhaxayso 12
- 18 sano oo laga daawaynayo xanuunada maskaxda/madaxa, khamriga iyo
maandooriyayaasha kalaba.
- Independent Living Program waxay ku baaqaan dagaan ku meelgaar ah
oo ku yaala Roy Avenue Group Home looguna tala galay dumarka da-yarta
ah oo doonayana ama isu diyaarinaya in mushtamaca soo dhexgalaan.
- New Directioins: Waa xarun deegaan iyo daawayn, laguna cirib tirayo
dhaqan xumada, nidjabka, iyo mashaakidlaadka bulshada, gaar ahaan dumarka
da-yartaa ama u dhexeeya 13 - 18 sano.
- Outpatient Services: Waxay ku deeqaan daawaynta xanuunada maskaxda
ee caruurta, iyo qoysaska, gaar ahaanna dadka lafaraxumeey iyo kuwii
wax faraxumeeyayba.
- R.O.A.D.S: Waxa ay dagaan iyo daawaynba u qorsheeyaan wiilahsa galmooda/wax-dhaba
oo dadoodu u dhaxayso 6 -12 sano.
- Therapeutic Foster Care: Waxay jaaliyada siiyaan Daawayn loo qorsheeyey
caruurta iyo dhalinyaradaba
|
|
Southeast,Inc.
16 West Long Street
Columbus, Ohio 43215
614 -225 -0990
Voice/TTY:614 -744 -8115
Urgent Care TTY: 614 -241 -5027
1455 South Fourth Street, 614 -444 -0800
Project Work: 614 -445 -8441
Xarunta Southeast,Inc waxay fuliyaan howlo ay ka midyihiin
Barnaamij lagu caawiyo laguna tababaro dadka shaqaalaha . Wacyi galin
iyo tababarka jaaliyada. Adeegyo soo kabasho oo gooni u ah dadka qaba
cudurada maskaxda, kuwa xamaasadaysan, iyo dhibaatooyinka maandooriyayaasha.
Talo ama la talin qof iyo qoys ahaanba. In lasiiyo ama loo adeego bukaanka
mukhaadaraadka ku tiirsan, iyo howlo ay ka mid tahay, toobitaan ama mud
mudka, iyo arimo gaar u ah khaniisiinta/ ama qaniisyadaba. Arimo u gaar
ah xaga cadaalada oo ay ka mid tahay in taageero lasiiyo dhibanah, loona
adeego dadka isticmaala kiimikada iyo daawaynta dadka wax soo faraxa xumeyey.
La talinta raga, iyo dumarka ay soo martay dhibaatada qoyska iyo dabasocdka
ama dabagalkaba. Adeegyada dadka waayeelka oo ay ka mid tahay deegaan
lala wadaago, tijaabo ama baaritaan, latalin, iyo maamulid lamaamulo howla
hooda. Adeegyada laga helo jaaliyada dhexdeeda oo ay kamid yihiin, maamule,
celmi nafsi, iyo waliba caawimid lagu taageero shaqsiyaadka cudurada maskaxda
qaba, si joogtaana looga warhayo. Ayadoo la kaashanayo dad qibrad u leh
oo ay kamid tahay Mentaly and Deveplomental Disabilities, Africentric,
Duladiagnosis, and Deaf- hard of hearing. Xarumo ku melgaar ah oo loogu
tala galay qofka ay hayso xanuun badan oo maskaxda ama miskixiyin dhiman
ama caqli laawe ah ama doqon ah. Dajinta mashaakilaadka, iyo xogwaraysigaba.
Central Pharmecy, Nurse practitions, Specialized Pharmecy, oo isticmaalaya
blistering packins si daawayn ah. Toobitaan/mud-mud lagu sameyo dadka
uu mukhaadaraadka jirkooda la qabsaday, iyo adeegyada MSP-da. Shaqaale
tababaran ama carbisan oo ku hadla luuqado kala duwan sida English, iyo
Spanish ayaana diyaar kuu ah.
|
|
St. Vicent Family Centers
1490 East Main Steet
Columbus, Ohio 43205
614 -252 -0731
Franklinton Office, 840 West State Street, 614 -221 -7855
Partnership -in -Schools:
Beatty Park Elementary, 614 -365 -8225
Clearbrook Middle School, 614 -365 -6975
Alum Crest High Shool, 614 -365 -5030
St. Vicent Family Centers waa xarumo u adeega dadka bukaan socadka ah
ee isugu jira caruur iyo dhalinyaraba, cilmi nafsi, waano ama talo banaanka
ah, adeegyo xaafadaha ah oo loogu tala galay qoysaska haysta ilmo ama
caruur yar yar ah, si looga hortago dayaca caruurta. Daawayta lagu daawaynayo
caruurta yar yar oo niyad ahaan iyo dhaqaan ahaanba u dhibaataysan lagana
heli karo xarumaha caruurta lagu tababaro inta ayna iskool gaarin. Daawaynta
caruurta dhagaha culus iyo kuwa dhaga ha laba dadooduna u dhaxayso 5 ½
- 12 sano, isla markaasna ay soo foodsaarta dhibaatooyin xaga niyada iyo
aadaabtaba. Xanaano deg-deg ah , maamulid caruurta iyo dhalinyarada qaba
xanuunka loo yaqaan CED-da iy qoysaskoodaba, la shaqaynta iskoolada iyo
howlaha caruurta qaba cudurka loo yaqaan CED iyo dhalinyaradba,. Daawayn
iyo nasinta caruurta ay dadoodu u dhaxayso 5 ½ - 12 sano iyo iyadoo
ladd jawaab helayso 24 -saac wax kasta oo kala soo gudbaanaadaba.
|
|
Synataxis Youth Homes
5900-a Sharon Woods Blvd
Columbus, Ohio 43229
614 -895 -6818
Synataxis Youth Homes waa deegaamo jaalayada dhexdeda ah oo lagu daaweeyo
dhalinyarada wiilal iyo gabdhaba dadooduna u dhaxayso 15 - 18 sano, waxaadna
kali heli kartaan 6 xarumood oo kale duwan. Waxaa dadaal badanloogu jiraa
ama xooglasraa shaqsiyaadka ay hayso dhaqan iyo akhlaaq xumo, ayadoo la
siyaadinayo hor umarka waxbarasho, hagaajinta qibrada shaqooyinka, iyo
tayada qof ahaaneedba. Xarun wiilsha u qaas ah ayaan jirta, waxayna dhiiri
galisaa in la daaweeyo ama lala dagaalamo ku tiirsanaanta maandooriyayaasha.
|
|
TBI Network
106 McCambell Hall
1581 Dodd Drive
Columbus, Ohio 43210
614 -292 -4559
Fax: 614 -688 -3737
E-Mail: tbinetwork@osu.edu
Xarunta The TBI Network at Ohio State University, waxaa qaas ahaan looga
helaa, laguna daaweeyaa bukaan socotada maandooryayaaasha isticmaala,
ku waas oo ay soo gaartay dhibaato ama dhaawac maskaxda ah (TBI.) Adeegyada
mahiimadooda koowaad waa ina ay faragaliyaan, hagaan, matalaan, si loo
daboolo baahida maciimiisha ama dadka jiran. Waxaa kaloo jira in The TBI
Network ay baxshaan tijabo baaritaan, daawayn, waxbarasho, iyo tagero
kooxeed, iyo latalin xaga isticmaalka maandooriyayaasha. Si looga biyo
gaaro natiijada ugu wanaagsan ee ay macaamiishu ama dadka jiran u baahan
yihiin, waxaana la adeegsadaa ururo kala duwan, howl wadeeno, TBI Network
waxay radiyaan hor umarinta "ad hoc" ururada ama kooxaha daaweeya
jaalyida si ay isugu keenan oo baxshaan daaweyn midaysan.
|
Twin Valley Behavioral Healthcare
2200 West Board Street
Columbus, Ohio 43223
614 -752 -0333, 614 -274 -7137 (TTY)
Xarunta Twin Valley Behavioral Healthcare waxa ay baxshaan adeegyo laga
heli jiray isbitaakii horay loogu yaqaanay, Central Ohio Psychaitric,
Twin Valley Psychiatric system, Waxaa ayna ku baaqaayan xarumahooda la
jiifiyo dadka jiran oo ku kale yaala, Dayton iyo Columbus. Waxaana xarumahaas
laga helaa adeegyo xasaasi ah oo ku lug leh arimaha celmi nafsiga ayu
kamdi tahay, xanaano baritaan oo kama dabays ah. Adeeg iy howlo loo qorsheeyay
dadka jaaliydeena ee horay u soo maray isbitaal. Day in 24- saac ah, iyo
guriga ama xaafadaha oo laysku caaawiyab.
|
|
Urban Minority Alcoholism
& Drug Abuse Outreach Program (UMADAOP)
510 West Mound Street
Suite 100
Columbus, OH 43215
614 -227 -9694
Xarunta Uban Minority Alcoholism & Drug Abuse Outreach Porgram of
Franklin
waxaa loo qorsheyay inay keento adeegyo looga hortagayo khamriga, tubaakada,
iyo noocyada kale ee mukhaadaraadka ah, looguna talagay dadka African
American-ka ah ee ku nool Frabklin County. UMADAOP, waxay wax ku baraan
ardayda Columbus Metropolitan Housing Authority xaruntooda iskoolka kadib.
Barnaamijyadaan waxaa loogu tala galay inay baxshaan baritaanka dhaqan
gaar ah loogana danleeyahay in lagu dhiso kalsooni, xirfad, iyo fakarka
wanaagsan ee macaamiisha ama ardayda. Qorshaha ururkana waa inay ku caawiyaann
dhalinyarada sidii ay siwanagsan wax ugu baran lahaayeen markay iskoolka
joogaan. Ayna dhisaan umad caafimaad qabta kana madax banaan maandooriyayaasha
iyo mukhaadaraadkaba.
Waxaa kaloo dhalinyarada ay ku dhiirgaliyaan ka qayb qaadashada howlaha
waxbarasho ee iskoolka kadib lasameeyo, iyo dhacdooyinka xagaaga laqabto.
Barnaamijyada xagaaguna waxaa ay u samaysan yihiin inay baxshaan, howlo
loogu tala galay dad xadan laguna caawiyo in dhalinyaradu ay xiiseeyan
waxbarashada, kobcinta qof ahaneed, dadaal badan oo lagu hor marinayo
jaaliyada. Dhalinyaradu waxaa ay bartaan sidii ay si wax ku ool ah u soo
bandhig la heeyen qaabaabka looga hortago ama looga madax banaanado maandooryayaasha.
UMADAOP; Waxaa ay tababaran shaqsiyaad u shaqeeya ama u adeega bulshada,
iskoolada, xaafadaha iyo ururada jaaliyadda, iyo wixii kaloo looga baahdaba.
|
|
YWCA of Columbus
65 South Fourth Street
Columbus, Ohio 43215
614 -224 -9121
Fax: 614 -224 -2522
African Beginnings, 614 -224 -9121, ext 246
Double Dutch, 614 -224 -9121, ext 248
Xarunta YWCA Waxaa ay ku baqaan barnaamijyo si qorshaysan loo diyaariyay
una samaysan inay daboolaan bahaahida dadka dagan agagaarka magagalada
Columbus. YWCA ADAMH howlahooda ay malgashaan waa African Beginnings,
iyo Double Dutch. African Beginnings oo ah ciyaaraha African-ka taariikho
xiiso badan oo ardaydu la baro, iyo waliba barashada ciyaarhaha hab-dhaqameedka
ama niikada, Percussions, iyo taariikhdaba. Inta lagu howlan yahay barahsda
howlahaan ciyaarha, ardayda waxaa labarayaa akhbaaraha aan iskoolada laga
helin ee African-ka ama nolol maalmeedka.
Double Dutch-na waa barnaamij lagu tartamo xarig ka boodka (jump rope)
looguna tala galay gabdhaha iyo wiilaha ay dadodu u dhaxyso 9-18 sano.
Barnaamijkaaani waxaa uu ardayda ka dhisaa dhica kalsoonida qof ahaaneed,
waxaana la adegsadaa arimo ay ka mid yihiin wada hadal iyo is dhexgal,
iyo samaynta xiriir joogtaa oo wanaagsan oo ay hor muud ka yihiin madaxda
iyo shaqaalaha kalaba,. Waxaa ardayda lagu caawiyaan inay bartaan ,dhaqan,
niyad fiican iyo inay hor u mar kagaaraan qaybaha kale ee noloshooda inta
ay iskoolkaanku sugan yihiin ama ay joogaan xaruntan. Labadaan barnaamij
ee aan kor ku soo xusnay waxaa ay dhiirigaliyaan nolol ka madax banana
maandooriyayaasha iyo khamrigaba.
|
|
|
|